Deni oo war kasoo saarey qaraxii lagu dilay gudoomiyihii Mudug

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo war kasoo saarey is-miidaamintii lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur, ayaa wuxuu u tacsiyeeyay u diray ehelkiisa.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya macagaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed si gaadmo ismiidaamin ah ugu dileen maanta Gaalkacayo, isagoo Guddoomiyuhu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa," ayay tiri Madaxtooyadda Puntland.

Weerarka lagu dilay mas’uulka iyo saddex kamid ahaa ilaaladiisa ayaa maanta ka dhacay ilinka hore ee xarunta gobolka, waqoyga magaaladda Gaalkacyo, waxaana sheegtay falkaas maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

"Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba," ayay raacisay.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka Madaxtooyadda, madaxweyne Deni ayaa wuxuu si kulul u cambaareeyay "falkaasi argagixiso".

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulul u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle "SWC" uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

Dhacdadaan oo durba ay baaritaano ku bilaabeen laamaha ammaanka ayaa kusoo beegantay xilli maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamadu soo qabteen xubno Al-Shabaab ah, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay dilal qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM