Deni oo Xariga Ka Jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi oo maanta booqasho ku yimid magaaladda Qardho ayaa Xariga ka jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble oo lagu sameeyay dib u dhis iyo dayactir dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaarey Xarunta Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble wuxuu Salaan Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada halkaasi ku sugan.

Kadib ayaa wuxuu ka qeybgalay Xafladda Xarig Jarka Dugsigan Ciidamada lagu tababarayo oo uu isagu maanta si rasmi ah u furay.

Deni oo ka hadlay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble wuxuu sheegay in Dowladda Puntland ay muhiimada koowaad siinayso dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada si loo helo Ciidan tirsan oo tayeysan.

Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble ayaa ka mid ah xarumo lagu tababarayo Ciidamada Dowladda Puntland oo loo qorsheeyay in laga hirgeliyo Sanaag, Ceyn iyo Mudug.

"Sidoo kale qorshahaasi waxaa dhinac socda diwaangelinta casriga ah ee Ciidamada oo dhowaan la bilaabay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Deni.

Xafladda Xarig Jarka Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo La taliyeyaal dhinaca Amniga ah.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Saraakiil Ciidan oo uu hogaaminayo Taliyaha Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa ku jiray.

Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, Aqoonyahano, Hogaan dhaqan, Culimo, Haween iyo boqolaal ka mid ah Ciidamadii ugu horeeyay ee Tababarka ku qaadanaya xaruntan ayaa qayb ka ahaa.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM