Deni oo xarigga ka jaray kaydka shidaalka garoonka Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xariga ka Jaray Xarunta Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir ee Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Munaasabadda xarig Jarka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Yugatoor (Gabiley), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, mas'uuliyiin ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xarig jarka kadib, kormeer ku sameeyey qaybaha ay ka kooban tahay Xarunta Kaydka Shidaalka diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir, waxaana uu warbixin ku saabsan qaabka uu u shaqeeyo kaydku kasiiyey mas'uuliyiinta gacanta ku haya ee shirkadda Sunrise, isla’markaana Madaxweynaha ayaa ku dhiirigeliyey hawsha adag ay u hayaan dalka iyo dadka.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa munaasabadda xarig jarka ka tusmeeyey in daahfurka kaydka shidaalku yahay qaybtii ugu muhiimsanayd ee Puntland u baahnayd dhanka horumarka, isagoona cadeeyey in Garoomadu yihiin wejiga dal-walba laga cabirqaato horumarkiisa.

“Sharaf weyn bay ii tahay maanta inaan xafladdan kasoo qayb galo, waa wax lagu farxo tani, dalkeenu wixii uu u baahnaa qaybtii ugu muhiimsaneed baa la oran karaa in ay tani tahay, maxaa yeeley wajiga Puntland ama wajiga wadan kasta waa garoomadiisa.

"Garoomadeenu in ay noqdaan garoomo casri ah, indhaha caalamka soo jiita, diyaaradaha caalamka soo jiita, waxay sahlaysaa in dalkeenu noqdo meel si sahlan loo soo gaarikaro, markii taas la helo waxaa iimanaysa maalgashi iyo dad danaynaaya dalka barwaaqada ah, kaas oo ay bulshadeenu ka helayso shaqo abuur oo noloshoodu kor u qaadmidoonto, isbedel weyn baan rajaynaynaa Inshaa Allaah," ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga lagu qaban doono Puntland, kaasi oo waxbadan kusoo kordhin doona kobaca dhaqaale ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi la qaban doono xagaaga soo socda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA XAFLADA

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM