Deni oo xilka la wareejiyay iyo Gaas oo faarujiyay Madaxtooyadda Puntland [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha cusub ee Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah xilka ugala wareegay Madaxwaynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Madaxtooyada Puntland, ayay Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka cusub Axmed Karaash xilka ugala wareegeen Gaas iyo Camey, oo maanta faarujiyay qasriga Madaxtooyadda.

Madaxweyne Deni oo la doortay 8-dii bishan ayaa lagu wadaa inuu dhawaan magacaabo Xukuumad cusub, isagoo balan qaadey inuu la imaan doono wax-qabad muuqda, isagoo shacabka reer Puntland ka dalabaday inay la shaqeeyaan.

Gaas oo mudo shan sano ah xafiiska joogey, ayaa u tartamay markale inuu Puntland sii hogaamiyo, waxaana uu ku haray wareegga kowaad doorashaddii 8-dii January, oo codad aad u yar ka helay, isagoo aan usoo gudbin wareegga labaad.

Mudadii uu Gaas talada Puntland hayay ayaa lagu xasuustaa musuq-maasuq, in Xukuumaddiisa ku guul-daareysatay bixinta mushahaarka ciidanka iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM