"Puntland kaliya ma ahan hooyada federaalka, waxay u tahay Aabe"

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Garowe, caasimadda dowladda Puntland, wuxuu habeenimadii Talaadada kaga qeybgalay Kulan Dadweyne, kaasi oo su'aallo lagu waydiinayay.

Deni, oo la doortay bishii Janaayo 2019-kii kadib doorasho xor iyo xalaal ah, ayaa wuxuu ka hadlay taariikhda fog ee Puntland, qaab-dhismeedka maamulkan iyo hadafka ugu weyn ee loo yag-leelay.

Puntland oo la aas-aasay 1-dii Augsut 1998-dii kadib shirar magaalooyin kala duwan ka qabsoomay ayaa todobaadkan u dabaaldegaysa sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegatay markii dhidibada loo taagey.

Tani ayaa ka dhigeysa maamulka ugu da’da weyn Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, waana sababta loo hindisay hal-heyska caan baxay ee "Puntland waa Hooyadda Federaalka".

Isaga oo taasi carabka ku adkeynaya, madaxweyne Deni ayaa ku biiriyay in Puntland ay sidoo kale tahay "Aabaha Federaalka Soomaaliya maadaama ay tahay halkii uu kasoo un-kay nidaamkan ku baahay dalka".

"Hadafka dadka goboladan iyo madaxtooda wuxuu ahaa; in dalka la xasiliyo, la mideeyo, Somaalina la baadi-doono," ayuu yiri Deni.

Kadib markii ay fashilmeen shirar looga hadlayey dowladnimadda Soomaaliya oo lagu qabtay Qaahira, 1979, iyo Addis Ababa, 1993, ayay dadweynaha Puntland go'aan sadeen dhismaha maamul gaar u ah.

"Mar walba Puntland hadafkeeda wuxuu ahaa midnimadda Soomaaliya, hadafka labaad ee lagu aas-aasay wuxuu ahaa nidaamka federaaliga, markay arkeen dhibaatooyinka dalka ka jiray, shilalkii dhacay, waxay gun-dhig ka dhigteen nidaamka federaaliga la rabo in uu noqdo mid saldhiga u noqonaya dowladnimadda Soomaaliya," ayuu ku daray.

Wuxuu intaasi raaciyey: "Sidaasi ayaa loo yiraahdaa Puntland waa hooyadii federaalka. Hooyadda kaliye maahee, halkaasee ka curatay fekerka federaalka, Federaalka kaliya hooyo uma nihinee, Aabena waan u nahay".

Kadib dhismihii dowladda Puntland, waxaa la dhidhibada loo taagay dowlad goboleedyo kale oo kala ah; Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.

"21-sano oo ay jirtay Puntland, waxay ka shaqeysay in dalku midnimo ahaado, oo uusan burburin. 21-sano waxay ka shaqeysa in Muqdisho ay noqoto caasimada Soomaaliya oo dowladnimadii la geeyo. 21-sano waxay ka shaqeysay in dalka nidaamka federaal qaato. 21-sano waxay ka shaqeysa in ay gurmad u fidiso dadka u yimaaday oo gobolada kale ee dalka kasoo tegay," ayuu xusay.

Gabagabadii, madaxweyne Deni ayaa wuxuu balanqaaday wax ka qabashada caqabadaha jira dhinacyadda garsoorka, kobcinta dhaqaalaha, adkeynta dimoqraadiyadda iyo tiirarkii bud-dhiga u ahaa aas-aaska Puntland.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM