Deni: Puntland waxaa lagu yaqaan is-cafin iyo hore-u-socod

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Puntland ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay maanta magaalada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay guud ahaan xaaladda dalka gaar ahaan Doodashadii Madaxweynaha JFS ee dhowaan ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay in Puntland ay ku faraxsantahay Doorashada iyo siday u dhacday nabadna ugusoo dhammaatay.

Deni ayaa xasuusiyay Bulshada in markasta oo Doorasho dhacdo dadku is qoonsado, Balse reer Puntland Sidii lagu yaqaanay waa inay hore uga socdaan, laysna cafiyaa oo aan dib la eegin.

"Markasta oo doorasho dhacdo dadku waa is qoonsadaan, marka sida dadka reer Puntland lagu yaqaaney waa in aynu horey uga socona, laysna cafiyaa dibna aan la eegin," ayuu yiri Deni.

Dhankiisa, madaxwayne Ku Xigeenka Puntland Axmed Karaash oo ka hadlayay soo dhawaynta Madaxwayne Siciid Deni ayaa yiri: "Dhibaato ma jirto, fadhi baynu ku wada hadli doonnaa, soo dhawaw madaxwayne wadanka abaaro uun ba ka jira".

Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe ayaa sidoo kale kasoo qeybgalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM