Deni: Si loo dhiirigeliyo, waa in Buugaagta laga gataa qalinleyda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Jaamacadda PSU Garoowe si rasmi ah ugu daahfuray Bandhigga Buugaagta Garoowe GIBF2019 oo sanadkii 5-aad la qabanaayo.

Deni waxaa ku wehelinaayey daahfurka bandhigga masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Abwaano Soomaaliyeed, qalinley ka timid dhammaan geyiga Soomaalida, macalimiin, arday, siyaasiyiin, bulshada caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa mahadbalaadhan u jeediyey cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda Bandhigga Buugaagta Garoowe, waxa uu soo dhoweeyey marti sharafta kasoo qayb gashay munaasibadda, waxaana uu ka tacsiyeeyey waxyeeladii qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

"Waxaan marka u horaysa ka tacsiyaynayaa qaraxii xanuunka badnaa ee ay ku dhinteen 17 ka qof ee ka dhacay Muqdisho, waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janosiiyo, intii ku dhaawacantayna in uu u booga dhayo, Samir iyo iimaanna Alle kasiiyo eheladoodii iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan"

- Dhiirogelinta qalinleyda -

Si loo dhiirogeliyo qalinleyda una soo saaran buugag badan oo wax tar u leh u dadka iyo dalka, madaxweynaha ayaa ku booriyey dadka in ay iibsadaan buugaagta ay soo saaran qalinleyda.

"Waxaa aad ugu faraxsanahay in giyiga Soomaaliyeed uu aad uga hanaqaaday, aqoonta iyo koboceeda iyo jiilka cusub sida ay u danaynayaan inay noqdaan dad waxqora oo wax akhriya, waxaa aad u soo badanaaya wax akhristayaasha, walaw ay caqabad ku tahay elegtaroonigu, balse waxaan rajaynayaa inuu badato akhriska buugaagtu, si loo dhiirigeliyona waa in Buugaagta laga gataa qalinleyda, ummad kasta oo horumartay, ummad kasta oo meel tiigsatay waxay dalalkooda wax uga bedelayaan waa aqoon" Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa qalinleyda kula dardaarmay in qoraalkooda noqdo mid dalkooda horumarinaaya oo ka hadlaaya koboca bulshada ee mid dhaqaale, dhaqan, amni iyo wadajir, waxa uu u rajeeyey bandhigga inuu guulaysto.

"Waxaan rajaynayaa inuu guulaysto bandhigga Buugaagta Garoowe, waxaa nasiib wanaag ah in uu kusoo Beegmay todobaadkii Puntland dhidibada loo taagay, waxaa muhiim ah madaama bandhigga qayb ka yahay todobaadka Puntland in looga hadlo waxa inoo qabsoomay, Waxaan inoo qabsoomin, halka aan hiigsanayno iyo horumarkeena, waxaan soo jeedinayaa in dooddaasi ay qayb ka ahaadaan dadka banaanka ka yimid" Ayuu yiri Madaxweynuhu".

Ugu dambayn, Deni ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay in la tageero dadka ehelka u ah hal-abuuraka iyo qoraalka si bulshadeenu u ahaato mid horumartay. Waxaana uu si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta Garoowe GIBF2019.

MUUQAALKA DENI

Puntland State House + GO

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM