Deni uu doonayo in uu Garoowe ka dhigo aag dagaal

Image

GAROWE, Soomaaliya - Gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada PMPF oo ka amar qaata madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaadka yahay ee Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gudaha u galay magaalada Garoowe.

Tallaabadan ayaa sare u qaadday xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada, iyadoo la xiray Iskuullada, Jaamacadaha , iyo xarumaha shaqada, lagana cabsi qabo in magaalada ay isku dhacyo ka qarxaan.

Shacabka ku dhaqan Garoowe oo diiday soo galitaanka gaadidkan, ayaa ka baqdin qaba xaaladda amni ee sii xumaaneysa, taasoo keentay in ururada bulshada rayidka ay isu soo baxaan si looga saaro magaalada loona badbaadiyo shacabka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay ay gaadiidkoodii kala baxeen magaalada, kadib markii ay u arkeen qulqulka Ciidamada PMPF in laga dheehan karo ku dhawaaqista dagaal ka dhan ah mucaaradka.

Dallada Mucaaradku ayaa shalay ka digtay sii hurinta colaadda Puntland, waxayna sidoo kale baaq u dirtay Imaaraadka Carabta, in ciidamadan halista ku ah bulshada Puntland xal laga gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM