Deni uu doonayo in uu Garoowe ka dhigo aag dagaal

Image

GAROWE, Soomaaliya - Gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada PMPF oo ka amar qaata madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaadka yahay ee Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gudaha u galay magaalada Garoowe.

Tallaabadan ayaa sare u qaadday xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada, iyadoo la xiray Iskuullada, Jaamacadaha , iyo xarumaha shaqada, lagana cabsi qabo in magaalada ay isku dhacyo ka qarxaan.

Shacabka ku dhaqan Garoowe oo diiday soo galitaanka gaadidkan, ayaa ka baqdin qaba xaaladda amni ee sii xumaaneysa, taasoo keentay in ururada bulshada rayidka ay isu soo baxaan si looga saaro magaalada loona badbaadiyo shacabka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay ay gaadiidkoodii kala baxeen magaalada, kadib markii ay u arkeen qulqulka Ciidamada PMPF in laga dheehan karo ku dhawaaqista dagaal ka dhan ah mucaaradka.

Dallada Mucaaradku ayaa shalay ka digtay sii hurinta colaadda Puntland, waxayna sidoo kale baaq u dirtay Imaaraadka Carabta, in ciidamadan halista ku ah bulshada Puntland xal laga gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM