Deni: Waa in la horumariyaa Tacliinta si loo yareeyo xagjirnimada

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa shalay oo Arbaco ahayd kaga qaybgalay Garowe munaasabad lagu daah-furayey mashruuca loogu magac daray "Waxbarashadu waa Iftiin", wajigiisa saddexaad.

Mashruucaan oo degaanada Puntland oo idil laga fulinayo ayaa waxaa maal-gelinaya Midowga Yurub, oo kaashana xukuumada.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo madasha la hadlay, ayaa tilmaamay in barnaamijkaan uu door wayn ka qaadanaya horumarka dalku hiigsanayo.

Madaxwaynaha ayaa balanqaaday in xukuumadiisa ay mudnaan gaar ah siin doonto waxbrashada iyo shaqaalaysiinta dhalinyaradda.

Barayaasha iyo maamulada iskuuladda ayaa ku tartarsiiyay in ay ardayga baraan ahmiyada ay leedahay ilaalinta dowladnimada.

"Waxaan ayidayaa in ay muhiim tahay in la horumariyo waxbarashada si loo yareeyo xagjirnimada oo halis ku ah nolasha bini’aadamka," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mashruucaan oo idlaaday iyada oo ay shacabka ka faa'ideysteen.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM