Deni: Wariyuhu waa muwaadin dambi gali kara

Image

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo meesha ka saarey in dowladda Puntland ay ku tacadiso xuquuqda warbaahinta madaxa-banaan ayaa shaaca ka dhigay in saxafiga uu yahay muwaadin dambi geli kara isla markaana la marsiinayo habraaca hay'addaha garsoorka.

Deni ayaa ka hadlay furitaanka shir-madaxeedka 4aad ee Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP taasoo la filayo in dhamaadka lagu doorto hogaan cusub oo saddex sano ee soo aadan xilka hayn doona.

"Hadii wariyuhu uu ku tunto shuruucda waddanka u taala, waa wariye lama dhahaayo waa muwaadin la rabo in uu ilaaliyo sharciga iyo kala dambeynta dalkaas leeyahay," ayuu yiri Deni oo adkeeyay ahmiyada ay leedahay in warbaahinta ay cayaarto door hogaamineed oo ku saabsan in ay dalka, dadka iyo madaxda u jiheyso dhanka wanaaga, kana wacyigeliso gefafka.

Ururada aan dowliga ahayn ee ka jira Puntland ayuu ka dhawaajiyey in ay kaga wanaagsan yihiin dhigooda ka jira koonfurta Soomaaliya in ay hirgeliyaan nidaamka xil isku wareejinta iyo qabashadda doorashooyin daahfur marka muddo xileedkooda rasmiga ah uu ka dhamaado.

Saxaafadda ayuu ku tartarsiiyey in ay diiradda saarto tabinta wararka gudaha gaar ahaan kuwa taabanaya dadka iyo waddanka.

Xarumaha warbaahinta rasmiga ah ee Soomaalida ayuu cod dheer ugu booriyey in ay diiradda saaraan sidii ay meesha uga saari lahaayeen dhigooda aan rasmiga ahayn ee baahiya dacaayadaha ana salka lahayn.

Sidoo kale, wuxuu ku booriyey in aysan ku milmin is-qabqabsiga beelaha iyo kuwa siyaasadeed una soo bandhigaan dhaliilaha dowladda "si cilmiyeysan oo xaqiiqo ku saleysan".

"Haddey been baahiyaan waa in ay runta sheegtaan. Dadka waxa xun way xiiseeyaan, laakiin waxa fiican way jecel yihiin. Xiisaha iyo Jaceylka farqiga u dhaxeeya way jecel yihiin," ayuu tibaaxay.

Mar uu soo hadal-qaadey kiiska wariye Kilwa Aadan Faarax oo ku xiran magaaladda caasimadda ah ee Garowe, madaxwayne Deni ayaa carabka ku adkeeyay saxafigaas uu "dambi galay" lana soo gabagabeeyay baaritaankiisa isla markaana "ay socotay geedi-socodka maxkamadeyntiisa".

Ururka warbaahinta Puntland ee MAP ayuu si gaar ah ugu booriyey in uu diiradda saaro sidii uu u diyaarin lahaa saxafiyiin xirfadoodu sareyso kuwaas oo ka qeyb-qaata geedi-socodka dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, madaxwayne Deni oo sheegay in xukuumadiisa guddi u saartay qiimeynta warbaahinta maxaliga ah ayaa ugu baaqay xubnaha MAP ee ka qeybgalaya shir-weynaha kuwaasoo ka kala yimid gobolada Puntland in hogaanka cusub oo ay dooranyaan ay ku xushaan dantooda iyo wax-qaqabadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM