DF oo loogu baaqay in aysan siyaasadeyn ka hortaga Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland – Iyadoo walaac la xiriira in Coronavirus soo gaaro gudaha dalka Soomaaliya uu meeshii ugu sareysay marayo, dowlada federaalka ayaa lagu waaniyey in aysan siyaasadeyn dedaalada looga hortagayo.

Walwalka ayaa kordhay markii kiisaskii ugu horeeyay laga xaqiijiyey dalalka deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya.

Wallow baaritaano ay ka socdeen garoomada, wadamadan ayaa xiriiro ganacsi iyo mid bulsho oo maalin-leh waxay la leeyihiin Soomaaliya.

Meelaha ugu badan ee laga baqdin qabo in caabuqa kasoo duso waa garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha, sidda xukuumadu shaacisay.

Inkastoo uu sheegay in ay ku qanacsan yihiin howlaha isku-tashiga ah oo ay qaadeen, wasiirka caafimaadka Puntland ayaa carabka ku adkeeyay in ay tabayaan doorkii dowlada dhexe iyo Beesha Caalamka.

"Waxaad moodaa in ay kaliya diirada saarayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo meelo kamid ah Muqdisho…siddaan ognahay xanuunkaan ma yaqaano kala aragti-duwanaan siyaasadeed, xuduudana ma yaqaano, meeshuu doono ayuu mari karaa, qofkuu doono ayuu ku dhici karaa," ayuu yiri.

Jaamac Faarax Xasan ayaa caddeeyay in ay muhiim tahay iskaashi heer Qaran oo laga yeesho xanuunka, si looga fogaado in uu faafo.

"Diyaaradaha caalamiga ah Xamar qura ma yimaadaan…waxay yimaadaan Somaliland, waxay yimaadaan Puntland, waxaa loo baahan yahay markaa qorshe isku mid ah oo guud ahaan dowlada Soomaaliyeed ay leedahay [kaasoo lagula dagaalamayo cudurka]," ayuu wasiirku ka dhawaajiyey.

Beesha caalamka ayuu cod dheer ugu baaqay in ay muujiyaan kaalintooda isla markaana ay bixiyaa kaalmada wax looga qabanayo.

Puntland ayaa waxay diyaarisay goobo lagu karan-tiilo dadka laga helo xanuunka, hadii ay timaado. Si lamid ah, waxay kooxo caafimaad u dirtay goobaha dalka laga soo galo si aysan u dhicin in uu si fudud kusoo dhaafo.

GROWE ONLINE

Related Articles

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM