​DFS oo deeq dawo ah keentay magaalada Galkacyo

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa galabta magaalada Galkacyo la keenay deeq dawo ah oo katimid dowladda Federaalka Somalia, taasoo ay ku deeqday, WHO, bisha cas iyo dowladda Qadar.

Kaalmadan, waxaana waday wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somalia iyadoo ay ka guddoomeen duqa degmada Galkacyo iyo Agaasimaha guud ee cusbitalka gobolka Mudug.

Dr Maxamed Xuseen Aadan oo hadal kooban jeediyay, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin islamarkaana kaalmadan horseedi karto inay wada shaqayn toos ah yeeshaan labada dhinac.

Duqa degmada Galkacyo Maxamud Yaasiin Axmed (Tumay), ayaa xusay inay magaalada kusoo dhaweynayaan wasiirka caafimaadka isagoo xusay in deeqdan wax ka badali doonto baahida cusbitalka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somalia, Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) ayaa sheegay inay kaalmadan tahay mid ay ugu talo galeen cusbitalka Galkacyo qaybta Puntland, wuxuuna ka digay in dagaal dambe dhaco, isagoo sheegay inaysan u baahnayn dawadan in dhawac lagu daweeyo, balse la rabo in bukaan loo adeegsado, wuxuuna xusay inaysan raali ka noqon doonin in qof dambe lagu waxyeelleeyo xarunta gobolka Mudug.

Deeqdan ayaa timid xilli cusbitalkaas waxyeello kasoo gaartay dagaallo dhawaan dhexemaray Puntland iyo Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM