Dhaawacyadda dagaalka Laascaanood oo la geeyay Garowe

Image
Hal qof ayaa ku dhintay 37 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal kale oo isla maanta ka dhacay magaalada.

GAROWE, Puntland - Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyada dadka degaanka ee Laascaanood kuwaasi oo kusoo dhaawacmay dagaalka magaalada ka socda.

Dadwaynaha caasimadda dowladda Puntland ayaa buux-dhaafiyay isbitaalada la geeyay dhaawacyadaasi iyaga oo u shubaya dhiiga una muujinaya taageero.

Dhanka kale, haweenka magaalada ayaa maalintii labaad fadhiya barxadda wayn ee magaalada iyaga oo u muujinaya taageero shacabka kasoo qaxaya Laascaanood.

Hal qof ayaa ku dhintay 37 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal kale oo isla maanta ka dhacay magaalada Laascaanood iyada oo shalay uu khasaaruhu intaan ka badnaa.

"Madfac ayaa ku dhacay isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood," ayuu warsidaha Garowe Online u xaqiijiyey qof kamid ah dadka degaanka oo codsadey in aan la magacaabin.

Xukuumadda Deni ayaan wali ka hadlin xaaladda Laascaanood iyada oo warsaxaafadeed uu soo saaray madaxweyne xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan uu ku taageeray go'aanada shirkii Laascaanood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM