Dhaawacyadda dagaalka Laascaanood oo la geeyay Garowe

Image
Hal qof ayaa ku dhintay 37 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal kale oo isla maanta ka dhacay magaalada.

GAROWE, Puntland - Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyada dadka degaanka ee Laascaanood kuwaasi oo kusoo dhaawacmay dagaalka magaalada ka socda.

Dadwaynaha caasimadda dowladda Puntland ayaa buux-dhaafiyay isbitaalada la geeyay dhaawacyadaasi iyaga oo u shubaya dhiiga una muujinaya taageero.

Dhanka kale, haweenka magaalada ayaa maalintii labaad fadhiya barxadda wayn ee magaalada iyaga oo u muujinaya taageero shacabka kasoo qaxaya Laascaanood.

Hal qof ayaa ku dhintay 37 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal kale oo isla maanta ka dhacay magaalada Laascaanood iyada oo shalay uu khasaaruhu intaan ka badnaa.

"Madfac ayaa ku dhacay isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood," ayuu warsidaha Garowe Online u xaqiijiyey qof kamid ah dadka degaanka oo codsadey in aan la magacaabin.

Xukuumadda Deni ayaan wali ka hadlin xaaladda Laascaanood iyada oo warsaxaafadeed uu soo saaray madaxweyne xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan uu ku taageeray go'aanada shirkii Laascaanood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM