Dhabancad oo loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Siyaasada iyo Xiriirka Caalamka Puntland

Image
Magacaabidan ayaa lagu shaaciyay barta Facebook ee Madaxtooyadda dowladda Puntland.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad u magacaabay Wasiirka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.

HOOS KA ARAG WAREEGTADDA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WAKIILKA ARRIMAHA SIYAASADDA IYO XIRIIRKA CAALAMIGA AH.

Garoowe: 20 July 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 20-ka Luulyo 2024, kuna saabsan magacaabid Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Punland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM