Odayaasha qaar ee Gaalkacyo oo lala xiriiriyey Al-Shabaab

Image

GAROWE, Puntland – Qaar kamida ah odayaasha iyo dadka ku dhaqan magaaladda Gaalkacyo waxay gacansaar la leeyihiin maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab, sidda uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo u waramay Raadiyaha maxaliga ah ee Daljir ayaa shaaciyey dowladda caddeyn u hayso eeda uu jeediyey ayna dhageysatay telefoonada odayaasha iyo shaqsiyaadkaas.

Mr Dhabancad ayaa ku nuux-nuux-saday in shaqsiyaadkaas uusan magacyadooda tilmaamin ay ka shaqeynayeen in Al-Shabaab ay xafiisyo ka furato magaaladda Gaalkaacyo si ay amaradeeda ay uga dhaqan-galaan halkaas.

Dedaalo badan oo xukuumadda uu ka tirsan yahay bixisay ayuu hoosta ka xariiqay in ay sababtay dhabar-jabinta qorshahaas khatarta ah.

"Markii la doortey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo xukuumaddani cusubi dhalatay magaalooyinka Puntland kuwa ugu muhiimsan ayaa aragixisada si dadban u xukumayeen waxaa kamid ah Gaalkacyo oo odayaasha iyo dadka qeyb ahaanba ay kaba fekerayeen in ay xafiisyo iyo maxkamado furtaan, waxaa kamid ah Boosaaso oo sidii Daacish dadka u laba gacama loodinayeen looga kala qaxay. Maanta amnigii waxaa gacanta ku haysa dowladda taasoo keentay in dadka ay dib ugu soo laabtaan oo ay maalgashadaan," ayuu tibaaxay.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan uu la kulmay odayaasha isla markaana ay ku eedeeyeen in uusan kasoo dhalaalin shaqadiisa.

Isaga oo ka jawaabayay sheegasho odayaasha qaar dhowaan sameeyeen oo ah in dowladda Puntland aysan gobolka Mudug wax shaqo ah ka qaban, Mr Dhabancad oo naqdiyey dhawaqaas ayaa tibaaxay in xukuumadiisa ay dedaalkii ugu badnaa ku bixisay gobolka ayna wax ka qabatay dhibaatooyinkii jiray.

Ciidamo horleh, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta nidaamka daadejinta awooda iyo hirgelinta mashaariicyo horumarineed ayuu ka dhawaajiyey in xukuumadiisa ay ka fulisay gobolka Mudug.

Inkasta oo uu qiray in xilliyadda qaar ay dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyadda oo todobaadkii hore, haddana wasiirka ayaa rumeysan in xaalka Gaalkacyo uu ka wanaagsan sidda uu ahaa markii ay xafiiska imaanayeen.

"Odayaashii ku dhici waayey in ay madaxweyaha arkaan 2019-kii ayaga oo meelo kale looga talinayo in ay hadda ku dhiiradaan in ay dowladnimada ka hadlaan, waxay caddeyneysaa shaqadda aan ka qabanay Gaalkacyo," ayuu carabka ku dhuftay wasiirka.

Intii ay jirtay xukuumadii madaxweyne Cabdiwali Gaas, Al-Shabaab ayaa u yeertay qaar kamid ah odayaasha magaaladda Gaalkacyo kuwaas oo tegay degaanada maleyshiyadda maamusho isla markaana la galeen heshiisyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM