Dhalinyaro dhaliishay wasaaradda waxbarashada Puntland

Image

17 December, 2015(GO)-Ardayda aragga naafadaha ka ah ee wax ka bartay dugsiga Indhoolayaasha Garowe ayaa ka hadlay baahiyahooda gaar ahaa qalabka waxbarashada, waxayna wasaaradda arrintaasi Puntland u qaabilsan ku dhaliileen ilowshaha kaalintooda..

Dhalinyarada oo lahadashay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay inay u baahanyihiin agab waxbarasho iyo sidii ay ku heli lahaayeen waxbarasho Jaamacadeed, maadama qaybtooda hadda ku jiraan fasalka 4-aad.

Waxay sheegeen inay la sinnayn kuwa aragu u joogay isla markaan qalabkooda aan laga helin Somalia, sidaa darteed codsanayaan in loo hawlgalo qaabkii loogu heli lahaa waxyaabihii ka saacidi lahaa inay waxbartaan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland oo wax laga weydiiyay eedda dhalinta ayaa tilmaamay inay gacanta ku hayaan qorashe lagu hormarinayo waxbarashada dhallaanka aragga naafada ka ah, isagoo tilmaamay inay ka saacidi doonaan dhanka dhismaha goobaha wax ku bartaan.

Tabashada dhalinta ayaa imaanaysa xilli aysan jirin door muuqda oo wasaaradda waxbarashada Puntland ka gaysato waxbarashada dadka naafadaha ah, halka ku mashquulsantahay ardada kale ee laxaadka EEBBE u dhammaystiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM