​Dhalinyaro katimid Australia oo Garowe lagusoo dhaweeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda Puntland, dhalinyaro katimid Qurbaha gaar ahaan waddanka Australia kuwaasoo koob kaga qayb gali doono caasumadda Garowe.

Mas'uuliyiin katirsan wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland, maamulka degmada, siyaasiyiin, dhalinyaro, haween iyo qurba joogta dalkaas ee ku sugan Garowe, ayaa dhalinyaradan kusoo dhaweeyay magaalada iyagoo kusoo wareejiyay waddooyinka waaweyn, kadibna u gudbiyay hotelka laga dajiyay magaalada.

Xaflad soo dhaweyn ayaa loo qabtay isla maanta, waxaana madashaas ka hadlay mas'uuliyiinta kala duwan kuwaasoo bogaadiyay tallaabada dhalinyaradan ku yimaadeen dhulkooda hooyo, waxayna xuseen inay qayb ka qaadanayso in da'yarta la tuso nabad galyada iyo hormarka waddankooda yaalla.

Maamulka caasumadda Garowe, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii dhalinyaradan caasumadda uga heli lahaayeen soo dhaweyn iyo dhammaan wax kasta oo ay u baahdaan.

Agaasimaha Guud ee dhalinyarada iyo cayaaraha iyo xubnaha soo qaban qaabiyay socdaalkan ayaa sheegay inay is tuseen sidii dhalinyaradan loo keeni lahaa dalka, maadama Puntland noqotay horyaalka kubadda cagta ee Somalia.

Waxay intaas ku dareen in koob loogu qaban doono Garowe, kaasoo furmi doona maalinta barri ah islamarkaana ay ka qayb gali doonaan kooxaha heerka koowaad ee Puntland, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu noqdo midkii guul kusoo idlaada.

Dhinaca kale, waxay sheegeen inay u diyaariyeen Garoonkii ay ku jimicsan lahaayeen iyo gawaaridii u shaqayn lahayd, waxaana howshaas xil iska Saray Axmed Jowle oo dhalinyarada u ballan qaaday inay ku aalamiiteeyaan Garoonkiisa macmalka ah ee roogga la dhigay.

Xubnaha qurba joogta ah ee ka yimid dalka Australia, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin imaanshaha dhalinyaroodii ay isku gobolka iyo magaalada ahaayeen, waxayna u rajeeyeen guul.

Dhalintan ayaa la filayaa koobkan kadib cayaaro kale kaga qayb galaan maamulka Somaliland iyo waddanka Jabuuti.

Tallaabadan ayaa qayb ka noqonaysa hormarada Puntland ay ka samaynayso dhinaca cayaaraha, waxaana qorshahan yimid kadib markii ay sannadkan dhexdiisa soo qaadeen koobkii maamullada dalka ee lagu qabtay magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM