Dhalinyaro Kufsi ka geystay Gaalkacyo oo dil lagu xukumay

Image

GAROWE, Puntland -  Maxkamadda Darajada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta xukun dil ah ku riday shan dhalinyaro ah oo lagu helay inay kufsi wadareed la geystey magaaladda Gaalkacyo, 22-kii Febuary.

Ragga la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa; C/risaaq Axmed Cilmi, C/risaaq Cali Cabdi, Yuusuf C/llaahi Xirsi, Ugaas Mire Barre iyo Cismaan Maxamed Cabdullaahi, kuwaasoo dhamaantood ku dhashay magaaladda Gaalkacyo.

Xabsiga Dhexe ee Garowe ayay dhalinyaradan hadda ku xiran yihiin. Kiiskan lama xiriiro Kufsigii Caa'isha Ilyaas, kaasi oo baaritaankiisa wali socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM