Dhaqaatiirta Gaalkacyo oo ku dhawaaqay shaqo joojin

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Dhaqaatiirta magaalada Gaalkacyo ayaa bilaabay shaqo joojin soconayso muddo saddex maalmood ah kadib geeridii ku timid Dr. Sakariye Cabdi Jaamac.

Dr. Sakariye oo geeridiisa aad looga xumaaday waxaa lagu dilay xaruntiisa caafimaad ee magaalada Gaalkacyo, arrintaan ayaana bahda caafimaadka ku beertay argagax iyo murugo..

Dhacdadan ayaa keentay in dhowr isbitaal oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ay si ku meel gaar ah albaabada isu dhuftaan. Si kastaba ha ahaatee, adeegyada degdegga ah ayaa sii shaqayn doona si loo hubiyo fayoobida bukaannada la tacaalaya cudurada halis.

Mudadii ay socotay shaqa joojinta dhaqaatiirta ayaa isugu soo baxay wadooyinka, iyaga oo sitay boorar ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin dhibaatada loo geystay Dr. Sakariye

Dr. Sakariye Cabdi Jaamac waxaa si arxan darro ah loogu weeray xarunta caafimaadka ee Al Haramayn, halkaasoo uu maamule ka ahaa. Dhacdadan naxdinta leh ayaa argagax ku beertay dhamaan bahda caafimaadka iyo guud ahaan bulshada.

Bahda caafimaadka ayaa rajeynaya in codkooda wadajirka ah uu gaaro maamulka Puntland iyo kan gobolkaba, taasoo soo fududeyneysa in tallaabo degdeg ah la qaado si cadaaladda loo horkeeno dembiilayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM