Dhedo “Dowladdu ha abaal-mariso ciidanka qaraxa qabtay”

Image

BOSASO, Puntland- Guddoomiyaha gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacay (Dhedo) oo ka hadlayay qarax saaka lagu qabtay magaalada Bosaso ayaa dowladda ka codsaday inay abaal mariso ciidamadii qabtay baabuur qarax siday oo lagu qabtay magaalada Bosaso.

Dhedo oo warbaahinta kula hadlayay madal lagusoo bandhigay qaraxa la qabtay iyo ragii waday ayaa sheegay in ciidamadu had iyo jeer heegan ugu jiraan difaaca dalka iyo dadka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sharwadayaashu had iyo jeer raadinayaan sidii loo gumaadi lahaa umadda reer Puntland, wuxuuna xusay in qaraxan qabashadiisa lagusoo beegay xilli maalmo kooban kasoo wareegtay xukunkii lagu riday Shakhsiyaad katirsanaa Al Shabaab oo iyagana lagu qabtay Fuustooyin qarax ka buuxo.

Mar uu ka hadlayay gawaarida soo qaata waxyaabaha qarxa, wuxuu fariin u diray dhammaan gaadiidlayda Somaliyeed isagoo sheegay in baabuurkan ku cibro qaataan, wuxuuna xusay in dowladdu la wareegtay oo lagu buufin doono midabka Tuutaha oo askartu caanka ku tahay, isagoo loo adeegsan doono inuu ka shaqeey furimaha hore gaar ahaan Gal-gala.

Guddoomiyaha gobolka Bari, ayaa sheegay inaysan marnaba ka daali doono howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad diidka, isagoo shacabka ka dalbaday inay ka shaqeeyaan ilaalinta ammaanka iyo ka feejignaanta kooxaha dhiiga shacabka qubaya.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu cadeeyay in dhibaatadu intaas ku ekaan doonin ee ay tahay sil-silad is daba joogta, wuxuuna ku baaqay in har iyo habeenba la shaqeeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM