​Dhedo oo khasaaraha howlgalka Qandala Radio Garowe uga waramay

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyaha gobolka Bari ee Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo, ayaa sheegay inay si buuxda gacabta ugu dhigeen degmada Qandala ee gobolkaasi abaare 02:14pm xilliga Geeska Africa.

Waraysii uu siiyay Idaacadda Radio Garowe, wuxuu mas'uulkaasi kaga waramay khasaaraha ka dhashay dagaalka oo sheegay inuu ka dhacay ilaa 7 goobood, isagoo xusay inay ku dileen 30 Daacish kamid ah, halka dhaawacu gaarayo 35 kale.

Dhinaca ciidamada dowladda, ayuu xusay in 4 askari oo qura ku dhaawacmeen kuwaasoo qaba dhaawacyo fudud.

Mudane Dhedo, ayaa intaas ku daray in kooxdan haraadigeedu u firxadeen goobo uusan sheegin, balse uu tilmaamay inay ku baxayaan si looga sifeeyo gobolka.

Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin qof dhaqaaqi kara oo ku sugan tuulooyinka hoos yimaada degmada Qandala, isagoo sheegay in dadkii ay ka barakiciyeen mallayshiyadan.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay in Daacishta Qandala qabsatay wateen saddex baabuur oo qura kuwaasina gacabta ugu jiraan ciidamada dowladda Puntland.

Howlgalkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhan ah mallayshiyaad sheegta Daacish, ayaa kusoo beegmaya xilli mas'uuliyiinta ugu saraysa dowladda ay ka maqanyihiin deegaanada Puntland iyadoo sidoo kale jiraan abaaro laxaad leh oo saamayn ba'an u gaystay dadkii iyo duunyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM