Dhismaha garoonka diyaaraha Garowe oo la dhagax-dhigay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

26 December, 2015(GO)-Garoonka diyaaraha caasumadda Puntland ee Garowe, ayaa maanta waxaa dhagax dhigay madaxweynaha Puntland oo wehelinayaan Madaxweynihii hore cabdiraxmaan Farole,  Gudoomiyaha Barlamanka iyo Suldhaan Siciid Maxamed Garaase.

Xafladda dhagax-dhigga oo ka dhacday garoonka ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno kasocda golayaasha dowladda, Madaxweyne ku-xigeenkii hore Puntland Cabdisamad Cali Shire, qaar kamid ah xukuumaddii Dr: Farole, mas'uuliyiin matalaysay dowladda Kwait ee mashruucan ku deeqday, shirkadda dhisaysa Airport-ka, ganacsato, odoyaal dhaqameed, haween iyo dhalinyaro, waxaan khudbado dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madaxda joogtay goobta.

Mareeyaha garoonka Garowe Cabdirashiid Jaamac Maxamed, ayaa furitaankii xafladda ka sheegay inay soo dhaweynayaan dhismahan balse uu jiro culays kaga imaanaya bulshada caasumadda, kuwaasi oo ku soo durkaya xayndaabka garoonka, wuxuuna ka codsaday maamulka gobolka Nugal iyo kan degmada Garowe inay arrintaasi waxa ka qaybtaan.

Gudoomiyaha gobolka Nugal iyo Duqa degmada Garowe ayaa dhankooda tilmaamay in arrinta maareeyuhu ka hadlay mas'uuliyad ka saarantahay, waxayna sheegeen in ay wax ka qabashadeeda la kaashanayaan laamaha amniga.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo qaar kamid waxgaradka Garowe ayaa madasha ka sheegay marxaladihii laga soo maray Airport-ka hadda la isticmaalo, waxayna soo dhaweeyeen dhismaha lagu samaynayo iyagoona ganacsatada ka codsaday inay ku daraan wixii ka dhiman dhaqaalaha ku deeqday dowladda Kwait.

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa bulshada u caddeeyay dhibka ay ka soo mareen deeqda lagu dhisayo garoonka, wuxuuna sheegay inay soo socotay ilaa dowladdii dhexe ee Somalia, isagoo tilmaamay inay jireen dad is-hortaag ku sameeyay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xusay inaysan cidna ku hallayn doonin dhismaha garoonka, balse daba taagnaan doonaan inta laga dhammaynayo.

Dhismaha Garoonkan ayaa socon doona muddo dhan 1 sano sida mas'uuliyiinta dowladda Puntland sheegeen isagoo qayb ka ah deeq dowladdii Farole ka heshay waddanka Kwait, waxaana dhismahiisa ku guulaysatay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM