Dhismaha golyaahsa degaanka Garowe & Bosaso oo dib u dhacey

Image

11 August, 2015 (GO)- Wararka warssidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa xusaya in dib u dhac ka muuqdo howlahii lagu soo magacaabi lahaa golayaasha degaanka Garowe iyo Bosaso iyadoo wararku sheegayaan in dadweynaha degan magaalyinkaas welwel ka muujinayaan mashaariic loogu talagaley magaalooyinkaas in waqtigoodu dhaco.

Mashruuca JPLG ee horumarinta degmooyinka oo bixintiisu ku xiran tahay dhismayaasha golaha degaanka magaalooyinka Puntland ayaa qiimeynta lagu sameeyo sanadwalba waxy ku egtahay bishaan gudaheeda taasoo meesha ka saareysa qoondeynta mashaariicdaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo la hadley Radio Garowe 4 August,2014 ayaa sheegey in golayaasha degaanka magaalooyinka Garowe iyo Bosaso lagu soo dhisi doono muddo sadex cisho gudohood ah arinkaas oo ay hada ka muuqata mid aan dhaboobin. Halkan ka dhageyso

Waxgaradka magaalooyinkaan ayaa wel-wel weyn ka muujinaya dib u dhaca ka muuqda dhismaha maamulada degmooyinkaan iyadoo wararku sheegayaan in qabaa'ilka soo dhameystireen magacaabista xubnihii ka mid noqon lahaa goloyashaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM