Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo shir laga yeeshay

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashada Puntland iyo Guddi Hoosaadka Baarlamaanka maamulka u qaabilsan Shuruucda, Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda ayaa maanta oo Isniin ah kulmay.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ee guddiga doorashooyinka ayaa lagu sheegay in wadahadalka lagu soo qaadey arrimo ay kamid tahay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah iyo wacyigelinta dadka.

Sidoo kale, waxaa lagu xaqiijiyey bayaanka kooban in shirka lagu lafa-guray dhammaystirka xeerarka muhiim u ah coddeynta taariikhiga noqoneysa.

"Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa saaka kulan la yeeshay Guddi Hoosaadka Baarlamaanka Puntland u qaabilsan Shuruucda, Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Warka qoraalka ah ayaa waxaa intaas la raaciyey: "Labada dhinac waxay ka wada wada hadleen arrimaha la xiriira hirgalinta hannaanka xisbiyada badan iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Puntland. Waxay si gooni ah uga wada hadleen dhammaystirka xeerarka, dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah iyo wacyigelinta dadweynaha".

Puntland waxaa ka bilowday u diyaar-garowga doorashooyinka soo aadan qorshuhu yahay in ay noqdaan qof iyo cod, taas oo qayb ka ah barnaamijka xukuumadda hadda jirta ee dimuqraadiyeynta.

Xisbiyo la siiyey diiwaan-gelin ku meelgaar ah ayaa durba bilaabay in ay xafiisyo ka furtaan meelo ay kamid tahay magaala madaxda Garowe.

Hirgelinta nidaamka xisbiyadda badan iyo dimuqraadiyeynta ayaa meesha ka saaraya habka qabiilka ee 4.5 kaas oo ay Puntland kusoo dhaqmeysay tan iyo markii la aas-aasay, balse haatan si weyn looga hor-yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM