Dhisme lagu soo kordhiyey Bangiga Dhexe ee Puntland oo la dhex-dhigay

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhiyey Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta, Axmed Bashiir Muuse, Maamulka Bangiga Dhexe ee Puntland iyo Injineerro ka socday Shlirkadda fulinaysa mashruucan.

"Runtii sharaf wayn bay noo tahay inaan kasoo qayb galo dhagax dhigga xafladaan iyada oo tilmmaam u ah isbedelka Dowladda Puntland ay tiigsanayso oo ay ugu horayso Hay'adaha dhinaca Maaliyadda ka shaqeeya iyo Horumarkooda Bangiguna uu yahay meesha ugu muhiimsan ee la rabo inay jihayso oo ay ka shaqayso" Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

"Mashruucan waxaan rajaynayaa in uu sida loogu talo galay u fulo, wuxuuna tilmaan u yahay sida ay uga go'an tahay Dowladda Puntland in Hay'adaha Dowladda dib u habayn lagu sameeyo lana tayeeyo" ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Gabagabadii Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdilahi Deni ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Bangiga Dowladda Waxaana uu kulan la qaatay Madaxa Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland.

MUUQAALKA DHAGAX-DHIGA

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM