Dhul-gariir laga dareemay badda ku beegan degaan ka tirsan Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Hay'adda Indho-indheysay qaab dhismeedka iyo muuqaalka dhulka ee Mareykanka ayaa sheegtay in Axadii dhul-ruxan uu ka dhacay waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Sidda ku xusan warbixin kasoo baxday U.S. Geological Survey, dhul-gariirka ayaa ku dhuftay gudaha badda ku beegan tuulada Bereeda oo ka tirsan gobolka Bari ee hoostaga Puntland.

Cabirka masuubadaasi rabaaniga ah ayay hay’addu tilmaamtay in uu gaarayey 5.0 oo cabirka dhul-gariiradda ah.

Badka goobta dhul-gariirka laga dareemayay ayay USGS shaaca ka qaadey in uu degaankaasi u jiray 171 KM.

Warbixinta ma aysan soo bandhigin waxyeelo ka dhashay dhul-gariirka oo ay xustay la dareemay abaare fiidkii, waqtiga maxaliga ah ee Geeska qaaradda Afrika.

"Waxaa uu saameeyay 10 KM oo isku wareeg ah. Jihadiisa waqooyi waxay ahayd 13.3039 degree iyo 50.449 oo Barri ah," ayay raacisay.

Mas'uuliyiinta dowladda Puntland weli kama aysan hadlin dhul-ruxankan lasoo wariyey, kaasi dhif iyo naadir ku ah geyiga Soomaaliya.

Bereeda oo ah tuulo xeebeed ayaa ku dhow degmada Caluula taasi oo uu maro Gardafuu, oo ah kanaal Gacanka Cadmeed ku xira biyaha koonfureed iyo waqooyi ee Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee, Bereeda oo masaafo ahaan ugu fog tuulooyinka kale ee dowladda Puntland ayaa magaala madaxda Garowe waxay qiyaas ahaan u jirtaa 1556 KM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM