Dibad-bax ka dhan ah Al shabaab oo maanta Garowe ka dhacaya

Image

May 14, 2015 (GO)- Dibad-bax ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ayaa lagu wadaa inuu saaka ka dhaco magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Dowladda ayaa iclaamisey isu soo baxan, waxaana dadka loogu baaqay inay isugu yimaadaan fagaaraha Barxadda.

Mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda ayaa la filayaa inay kasoo qayb galaan bannaanbaxa oo ah kii labaad noociisa ee Garowe ka dhaca.

Isu soo baxan ayaa kusoo aadaya xilli uu maanta isla magaalada Garowe uu kusoo xirmayo shir looga hadlayey la-dagaalanka iyo dabargoynta argagixisada, kaasoo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka soconayey xarunta baarlammaanka.

Ammaanka si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana waddooyinka muhiimka ah ee magaalada lagu arkayaa ciidamada amniga oo baaraya dadka iyo gaadiidka.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM