Dibadbax rabshad wata oo Laascaanood ka dhacay iyo dad dhintey

Image

May 18, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintey saddex kalena way ku dhaawacmeen dibad-bax rabshad wata oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Booliska ayaa rasaas ku furey dibad-baxeyaal careysan oo dhigayey muddaaharaad ka dhan maamulka Somaliland oo maanta u dabbaal degayey sanad-guuradii 24 ee kasoo wareegtey markii dhidibada loo taagey.

Dhinaca kale, waxaa isla degmada Laascaanood maanta ka dhacay munaasabado loogu dabbaal degayo sanad-guurada Somaliland.

Xaaladda ayaa caawa ah mid deggen, waxaana la maqlayaa rasaas ciidamada boolisku mararka qaar ridayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM