Digniin laga soo saarey fuusto kusoo caariday xeebaha Puntland

Image
Fuustadan ayaa waxaa lagu arkay deegaanka Ilfoxshe oo ku dhow degmada Jariiban.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uuliyiin ayaa shacabka uga digay in aysan u dhawaan fuusto xiran oo kusoo caariday xeebaha Puntland, iyadoo laga shakisan yahay inay ku jiraan waxyaabo halis ah.

Kunteenarka buluuga ah ee xidhan ayaa waxa uu ku xidhan yahay xadhig waxaana ay saraakiishu ka shakiyeen in ay biyaha kaga tageen dadka qashinka halista ah.

Waxaa laga helay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, halkaasoo guud ahaan xeebaha ay yihiin kuwo aan nadiif ahayn oo ciid ah sababo la xiriira isbedelka cimiladda.

Fuustadan ayaa toddobaadkan ku soo caariday deegaanka Ilfoxshe oo ku dhow degmada Jariiban oo qiyaastii 900km dhinaca waqooyi bari kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horeysay oo bulshada ku dhaqan xeebaha degaanadda Soomaaliya ay la kulmaan haamo yaab leh oo ku dul sabeynaya biyahooda.

Sannadkii 2004-tii, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka ee UNEP waxay ka heshay fuustooyin aan la garanayn meel xeebaha u dhow Puntland.

Shirkado laga leeyahay Yurub ayaa lagu eedeeyay inay isticmaalaan biyaha Soomaaliya kuna daadiyaan qashinka sunta ah. Laakiin UNEP ma aysan xaqiijinin sunta walxaha lagu daadiyay biyaha xilligaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM