Diiwaangelinta ururada siyaasadda ee Puntland oo lasoo afmeeray

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga ku meelgaarka doorashooyinka dowlada Puntland ayaa Axada maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in ay soo gabagabeeyeen diiwaan-gelinta ururada siyaasada.

Cabdinuur Sheikh Maxamed, afhayeenka guddigaas, ayaa saxaafada maxaliga ah u xaqiijiyey in ay dhamaatay waqtiga liis-gareynta.

Isagoo hadalkiisa sii wata, fahfaahinta ururada ay diiwaan-geliyeen ayuu daboolka ka qaadey in ay soo bandhigayaan dhowaan.

"Si wanaagsan ayay noogu soo dhamaatay diiwaan-gelinta [ururada siyaasadda] oo si habsami leh ku bilaabatay," ayaa laga soo xigtay.

Bishii December 15-keeda sanadkii lasoo dhaafay ee 2019 ayay ahayd markii guddigu bilaabay diiwaan-gelinta.

Hanaanka hirgelinta xisbiyadda badan ayaa qeyb ka ah dedaaladda ay Puntland dooneyso in ay kaga gudubto habka qabiilka ee 4.5, kaasoo ay kusoo dhaqmeysay 21-kii sano ee lasoo dhaafay.

Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhawaatay habkaas, balse waxaa carqaladeeyay siyaasiyiin danno gaar leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM