Dil ka dhacay Boosaaso iyo wararkii ugu dambeeyay xaaladda

Image

BOOSAASO, Puntland - Askari ka tirsan Ciidanka Airport-ka oo aan shaqo ku jirin ayaa maanta lagu la dilay magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari halkaasoo mudooyinkii dambe ay ka jirtay xiisad ka dhalatay xilka qaadistii uu Deni ku sameeyay agaasimaha hay’adda PSF-ta.

Sida Goobjooge kusoo waramay, askariga oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cabdi, ayaa waxaa dilay rag aan la garaneyn, waxaana maydkiisa la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaaladda.

Laamaha amniga ee Boosaaso ayaan wali ka hadlin dilka loo gaystay askariga kamidka ahaa Ciidanka amniga Garoonka diyaaradaha magaaladda Ganacsiga Puntland.

Dilkan ayaa imaanaya xili ay ka socdaan Boosaaso dadaallo lagu xalinayo xiisaddii ka jirtay, waxaana xaaladda lagu soo waramayaa inay tahay mid degan, oo ganacsiga uu caadi u socdo.

Maalintii shalay, agaasimaha PSF-ta Amiin Xaaji Kheyr ayaa Taliska Cusub ee Ciidanka kusoo dhaweeyay Agaasime ku-xigeenka Cabdiraxmaan Ilig iyo G/Dhexe Cabdirisaaq Cali Duulane (Garaadka) oo kasoo baxay garabka Maxamuud Cismaan Diyaanno oo diidan xilka qaadista.

Dowladda Puntland ayaa si aysan kooxaha argagaxisadda xaaladda ka taagan Boosaaso waxay Ciidamo u dirty buuraha Golis iyo kuwa kale ee gobolka Bari, si aysan u dhicin marnaasho amni.

Xaaladda ayaa kusoo aadaysa xili lagu wadey inay Boosaaso martigeliso doorashadda kuraas kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo u muuqata inay dib uga dhacayso xiligii loogu tala-galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM