Dil ka dhacay Boosaaso iyo wararkii ugu dambeeyay xaaladda

Image

BOOSAASO, Puntland - Askari ka tirsan Ciidanka Airport-ka oo aan shaqo ku jirin ayaa maanta lagu la dilay magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari halkaasoo mudooyinkii dambe ay ka jirtay xiisad ka dhalatay xilka qaadistii uu Deni ku sameeyay agaasimaha hay’adda PSF-ta.

Sida Goobjooge kusoo waramay, askariga oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cabdi, ayaa waxaa dilay rag aan la garaneyn, waxaana maydkiisa la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaaladda.

Laamaha amniga ee Boosaaso ayaan wali ka hadlin dilka loo gaystay askariga kamidka ahaa Ciidanka amniga Garoonka diyaaradaha magaaladda Ganacsiga Puntland.

Dilkan ayaa imaanaya xili ay ka socdaan Boosaaso dadaallo lagu xalinayo xiisaddii ka jirtay, waxaana xaaladda lagu soo waramayaa inay tahay mid degan, oo ganacsiga uu caadi u socdo.

Maalintii shalay, agaasimaha PSF-ta Amiin Xaaji Kheyr ayaa Taliska Cusub ee Ciidanka kusoo dhaweeyay Agaasime ku-xigeenka Cabdiraxmaan Ilig iyo G/Dhexe Cabdirisaaq Cali Duulane (Garaadka) oo kasoo baxay garabka Maxamuud Cismaan Diyaanno oo diidan xilka qaadista.

Dowladda Puntland ayaa si aysan kooxaha argagaxisadda xaaladda ka taagan Boosaaso waxay Ciidamo u dirty buuraha Golis iyo kuwa kale ee gobolka Bari, si aysan u dhicin marnaasho amni.

Xaaladda ayaa kusoo aadaysa xili lagu wadey inay Boosaaso martigeliso doorashadda kuraas kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo u muuqata inay dib uga dhacayso xiligii loogu tala-galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM