Dil toogasho oo lagu xukumay dhalinyaro Boosaaso dil ka geystay [DAAWO]

Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Maxkamada darajada 1aad ee gobolka Bari ee dowlada Puntland ayaa maanta go’aan kama dambeys ah kasoo saartay dacwad ciqaabeed ka dhan ah afar eedaysane oo loosoo qabtay dilka ganacsade caan ah.

Marxuum Salaad Cali Diiriye [Cukaash] ayaa lagu dilay magaaladda ganacsiga Puntland todobaadkii hore, iyadoo dilkiisa ay u adeegsadeen dhalinyarada qori AK-47, waxaana lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada amniga.

Garyaqaanka guud ee Maxkamada oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in ay qaateen markii ragga ay qirteen inay geysteen dilka, inkastoo ay ku doodeen in aanu ahayn ujeedkooda inay dilaan Cukaash. 

"Waxay qirteen dilka, balse waxay sheegeen in jeedkoodu ahaa inay dhac u geystaan," ayuu yiri Garyqaanka, kaasi oo shaaciyay in gabi ahaanba afarta wiil lagu riday xukun dil toogasho ah.

Dhalinyarada uu xukunka ku dhacay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay; Cabdifitaax Axmed Xasan, Daahir Dalmar Saalax, Farxaan Saciid Yuusuf iyo Maxamed Cabdiraxmaan Maxmuud.

"Waxa ay haystaan dhamaantooda muddo 30 cisho ah oo ay racfaan kaga qaadan karaan xukunkaasi," ayuu yiri Garsooraha, kaasi oo daboolka ka qaaday in Qariga lagu abaalmarinayo ciidamadii gacanta kusoo dhigay.

Dhanka kale, Maxkamada ayaa bixinta 190 dollar oo Mareykanka ay ku riday Daahir iyo Farxaan, kuwaasoo la tilmaamay in ay qaateen taleefoon Mobile ah, oo uu lahaa Marxuumka, iyagoo lacagtaasi laga rabo qoysaskooda.

"Xukunkaan waxaanu u coksanay shareecada Islaamka iyo qawaaniinta kale ee u taallo Puntland," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Garsooraha, kaasi oo u digay dhalinyarada kale inay falalkaan ku kacaan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay markii la doortey in dowladdiisa ayaa kooxaha argagaxisada ka ciribtiri doonto buuraha gobolka Bari iyo degaanada ku teedsan Boosaaso.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM