Dilalka qorsheysan oo kusoo kordhaya Boosaaso xilli Puntland doorasho galayso

Image

BOOSAASO, Puntland - Dabley hubeysan ayaa Askari katirsanaa ciidamada amaanka Puntland ku dishay xalay magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Sarkaal katirsan booliska ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in rag bastoolado ku hubeysan ay Askari ku toogteen bartamaha magaalada, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amaaanka Puntland oo goobta falka dilka ah uu dhacay gaarey ayaa sameeyay howlgal daqiiqado socday, oo sida la sheegay aan lagu soo qaban gacan ku dhiig-liyaasha Askariga khaarijiyay.

Dilkan ayaa qeyb ka ah falal amni darro oo kusoo kordhayay xarunta Ganacsiga Puntland xilli kooxaha argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab ay kusoo xoogeysteen gobolka Bari.

Weerarada Boosaaso ayaa kusoo beegmaya iyadoo Puntland ay ku jirto xilli kala-guur ah, oo ku jirto diyaar-garowgii ugu dambeeyay doorashada guud, mida baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Amniga Puntland ayaa faraha ka baxay mudadii shanta sano ee uu xafiiska joogey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo hadda markale isku soo sharaxay in xilka markale loo doorto.

Xukuumadda Gaas ayaa ku guul-dareysatay inay Ciidanka siiso xuquuqdoodii, mashahaarka iyo daryeelka kale, taasina ay ka dhalatay habacsanaan amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM