Diyaarinta Master Plan magaaladda Qardho oo kulan laga yeeshay

Image
Shirka waxaa lagu soo bandhigay xogaha biyaha iyo dhulka degmada iyo xogaha naqshadaha Qardho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha degmada Qardho ayaa qaybgalay kulan ka dhacay xarunta IMC oo looga hadlaayo sida loogu samayn karo master plan magaaladda Qardho.

Shirkan oo uu gudoominaayay Agaasimaha guudeeIMC, Gudoomiyaha degmadda qardho, qaarka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmadda qardho, khuburada xarunta maareynta xogaha khayraadka biyaha iyo dhulka, injineero ka socda wasaaradda hawlaha guud iyo hay’adda geographical society.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay xogaha biyaha iyo dhulka degmada Qardho iyo xogaha naqshadaha degmada Qardho, waxaana laga dooday sidii degmada Qardho loogu samayn lahaa master plan ku dhisan xog dhamaystiran oo dhinac kasta leh. Sidoo loo hormariyo qorshaha maamulidda dhulka ee degmada Qardho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM