Doon Kalluumaysi oo lagu qafaashay Biyaha Puntland [Dhagayso]

Image

23 November, 2015(GO)-Burcad Badeed Somali ah ayaa la soo sheegayaa inay Doon ku qafaasheen meel u dhaw degmada Eyl gobolka Nugal, isla markaana la aadeen dhinaca Galmudug.

Falkan waxaa gaystay saddex nin oo Somali ah, waxaan Doontan laga leeyahay dalka Pakistan balse waxay ku gooshaysay calanka Iran.

Agaasimaha la dagaallanka Burcad Badeeda Puntland Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducasane oo la hadlay Radio Garowe ayaa falkan xaqiijiyay, wuxuuna cadeeyay in ilaa xalay biyaha Somalia lagu arkayay Doonyo Kalluumaysi sharci darro ah oo u tagayay maraakiib ganacsi oo ku sugan Somalia.

Doonta la qafaashay ayuu tilmaamay in loo jiheeyay deegaan lagu magacaabo Ceel Huur oo ka arrimo maamulka Galmudug, waxaana saarna 15 bad-maax.

Burcadda ayaa sidoo kale sii daysay Doon laga leeyahay dalka Thailand, waxaan arrintaasi xaqiijisay dowladda Thailand sida uu sheegay Cabdirsaaq Ducaysane.

Arrintan ayuu sheegay agaasimuhu inay soo celinayso suuqii Burcadda ee xeebaha Somalia kuwaaso oo Puntland laga suuliyay 2012 xilligii Madaxweyne Cabdiraxmaan Farole.

Falkan, waxaa horay uga digay Kalluumasata ku sugan xeebaha Puntland, kuwaasi dhibaatooyin kala duwan kala kulmo maraakiibta Jiriiflayaasha ee guranaya khayraadka Badda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM