Doon kalluumeysi la qafaashay oo lagu arkay xeebaha Puntland

Image
Dhaqdhaqaaqii ugu dambeysay ayaa laga soo sheegay degaanka Jiifle oo hoostagga degmada Godon-jiiraan ee gobolka Nugaal.

GAROWE, Puntland - Doon kalluumeysi oo lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya  ayaa Sabtidii shalay ahayd deked ku taalla maamul goboleedka Puntland, sidda ay ku warantay Reuters.

Wakaaladda wararka laga leeyahay UK ayaa ku warantay in doontan ay kooxda afduubatay shalay ka kaxeeyeen degaanka Jiifle oo hoostagga degmada Godon-jiiraan ee gobolka Nugaal.

Warbixinta ayaa soo xigatay Hay’adda Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska taas oo marka magaceeda lasoo gaabiyo aad loogu garan-ogyahay UKMTO.

War qoraal ah oo kasoo baxay UKMTO ayaa lagu caddeeyay Hay’adda Ammaanka Badaha Geeska Afrika (MSCHOA) ay soo warisay in doontan oo magaceeda la sheegin ay saarnaayeen 11 dabley ah

"Maraakiibta waxaa lagula talinayaa inay si taxaddar leh ugu gudbaan oo ay u soo sheegaan UKMTO dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiy," ayay hay'adda raacisay hadalkeeda.

Burcad-badeeda Soomaaliya ayaa la tuhunsan yahay in ay geysteen saddex weerar oo lagu qafaashay maraakiib tan iyo bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2023-ka.

Labo weerar burcad-badeed ayaa ka dhacay Badda Carbeed, halka mid kale laga soo wariyay Gacanka Cadmeed. Falalkan waxaa si weyn loogu tiiriyay in ay maalgelineyso kooxda Xuutiyiinta Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM