​Doon ku dagtay nawaaxiga magaalada Bosaso

Image

BOSASO, Somalia- Doon ganacsi, ayaa ku dagtay nawaaxiga magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari xilli ay kusoo wajahnayd dekedda iyadoo wadday shixnad ay iska lahaayeen dad ganacsato reer Puntland ah.

Doontan oo katimid waddanka Cuman, ayaa degtay xilli ay maraysay meel 14mile u jirta magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Lama oga waxa cilladda ay ku dagtay keenay, balse dowladda Puntland, ayaa u fidisay gar-gaar ku aadan sidii loo soo bad-baadin lahaa dadkii saarnaa oo tiro ahaa lagu sheegay 12 shaqaale.

Waxaa lagasoo bad-baadiyay 9 ruux oo kamid ah dadkaas, kuwaasoo iminka lagu dabiibayo goobaha caafimaadka degmadaasi.

Saraakiil katirsan maamulka dekedda Bosaso, ayaa Warsidaha GO u sheegay in doonto siday 1,200 oo tan kuwaasoo isugu jiray Bagaash iyo Raashin.

Mas'uul katirsans wasaaradda Dekedadaha iyo gaadiidka Badda Puntland, ayaa xaqiijiyay geerida mid kamid ah Naakhuudayaasha doontaasi, wuxuuna intaas ku daray inay wadaan baaritaan ku aadan sidii loo baadi goobi lahaa shaqaalaha kale ee ilaa hadda aan lahayn.

Majirto ilaa hadda cid faah faahin intaas dheer ka bixisay shilka soo food saaray Doontaas.

Balse, waxaa dhacadadan kusoo aaday xilli Roobab laxaad leh ka da'ayaan xeebaha Puntland kuwaasoo qaybtood wata dabaylo iyo qabow.

Dhowr jeer oo hore, ayaa sidaan oo kale shilal ula kulmeen doonyo u rarnaa ganacsato Somaaliyeed oo ku sugnaa nawaaxiga dekedda magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM