Doorashada Aqalka hoose oo Garowe lagusoo afmeeray

Image

GAROWE, Puntland- Xalay ayaa la doortay Xildhibaankii ugu dambeeyay 37 Mudane oo Puntland ka heshay golaha shacbiga Somaliyeed oo la filayo in 15 bishan lagu dhaariyo caasumadda Somalia.

Kursigan oo xalay goor dambe la doortay, waxaana iska lahaa Dhulbahante gaar ahaan Xasan Ugaas, waxaana kusoo baxay haweenayda lagu magacaabo Ikraan Yusuf Cali.

Dib u dhaca kursigan ayaa la sheegay inay ku saabsanayd muran ka dhextaagnaan Ergada iyo cidda ay dooranayaan, waxaana markii dambe dadaal dheer doorashadaas ku guulastay Ikraan.

Waxaa ka horeeyay Afar mudane oo shalay la doortay, waxaana kusoo baxay Xildhibaanada kala ah; Axmed Maxamed Axmed “ Dubays” oo helay 42 Cod, Deeqa Siciid Xasan “ Warmajaanle”  oo heshay 50 Cod, Canab Xasan Cilmi oo heshay 45 Cod, Axmed Ismaaciil Shabeel oo helay 48 cod.

Guddiga doorashooyinka, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin qabsoomidda doorashada Aqalka hoose xubnaha Puntland ka heshay dowladda Somalia, iyagoo hambalyo u diray dhammaanta inta guulaysatay iyo waliba xubnaha kusoo bixi waayay Aqalka hoose.

Maalmaha soo socda, ayaa la filayaan in laga amba bixiyo magaalada Garowe si 15 bishan loogu dhaariyo Xilalkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM