Doorashada la isku hayo ee Puntland: Walaaca, cawaaqibka iyo baaqa

Image
Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka ayaa hakiyey doorashaddii gobolka Nugaal daruufo jira awgeed.

GAROWE, Puntland - Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay ku hareeraysan yihiin duruufo kala duwan qabsoomida doorashooyinka lagu muran-san yahay ee golayaasha deegaanka Puntland.

Degmooyinka gobolka Nugaal oo ay u horayso caasimada Garowe, Dangorayo iyo Godob Jiiraan ayay sheegeen guddigu in aanay suurtagal ahayn in ay ka dhacdo doorashooyinka isla markaana ay dib u dhigeen.

Shirwaynaha wadatashiga Siyaasadda Puntland oo dhawaan Garowe kusoo dhamaaday ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka in uu joojiyo Doorashooyinkaan lagu muran-san yahay isla markaana laga gaaro heshiis.

Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni oo ay mudada xilhayntiisa Dastuuriga ah ay bilooyin uun ka hareen ayaa loogu yeeray in uu ka jawaabo daruuraha dul hoganaya in hanaankaan lagu doono muddo kororsi.

Aamuska xukuumadda ayaa laga muujiyay walaac iyada oo dhawaan ururada siyaasadda qaybtood ay ka dhawaajiyeen hanaankaan in uu keeni karo muddo kororsi.

Siyaasiyiinta walwalka muujiyey ayaa ku doodaya in xukuumadda Deni ay muddo kororsi ka damacsan tahay qabashadda doorashooyinka taas oo ay xuseen in ay horseedi karto firaaq dastuuri ah.

Arrimaha xoojinaya sheegashaddan waxaa kamid ah furida dastuurka ee ay ku dhawaaqdey xukuumadda Deni taas oo la doonayo in shan urur siyaasadeed lagu gaarsiiyo tiradda ururadda.

Puntland ayaa doorashadeedu madaxtooyadda ay ku jadwalaysan tahay 8-da bisha Janaayo shan sano oo kasta iyada oo ay ku cadahay dastuurka dowlada Puntland.

Madaxda sare ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka digay in doorashooyin la isku khilaafo ay u horseedaan qalalaaso Puntland waxayna ugu yeereen dhinacyadda ay khuseyso in la ilaaliyo nabadii Puntland ay caanka ku ahayd.

Talaabadda ay xukuumadda Deni ku bilowday doorashooyinka goleyaasha degaanka iyadda oo khilaaf uu jiro ayaa waxay sawir ka bixinaysaa sidda aan loogu aamini karin in uu si daahfuran ku maamuli doono doorashadda madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM