Doorashada madaxwaynihii 7aad ee Puntland 25 sanno gudaheeda

Image
Toban iyo kow Musharrax ayaa baratamaysa oo uu ku jiro Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Saciid Deni.

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa Isniinta maanta ah dooranaysa madaxweynihii todobaad ee maamul-goboleedkan dhaca woqoooyi-bari Soomaaliya, ka dib bilooyin khilaafaad doorasho oo gacan ka hadal gaaray.

Toban iyo kow Musharrax ayaa u taagan xilka Madaxweynaha oo uu ku jiro Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Siciid Cabdullaahi Deni waxaana jira loolan aad uga adag tartamadii horey.

Galaangalka, heshiisyada iyo ballan-qaadyada oo lagu soo kala jiidanayo xildhibaannada oo kala ah 65 mudane iyo hal Marwo ayaa saacadihii lasoo dhaafay hareeyay masraxyadda siyaasada.

Xilka madaxweyne ku-xigeenka oo dhankiisa saameyn weyn ka leh mandiqaddan ayaa waxaa loollan ugu jiraan 11 murashax kalle. Tartankan waxaa xiiso usii yeelaya isbadalka dhacay.

Lacagta oo keli ah ma aha midda wax jaangeysa coddeyntan balse waa waxa ugu badan ee laga hadlayo doorashadaan maadaama ay sidaas iska yihiin doorashooyinka Soomaaliya.

Xildhibaannada cusub oo ay ku jiraan da' kasta iyo dad wax ku oola ayaa la eegayaa waxkasta kadib halka ay dhigaan Puntland oo dadkeedu 25 sanno ka dib weli aysan helin dowladnimadii ay u baahnaayeen.

Ka sokow Puntland, doorashadan waxa indhaha ku haya Soomaali oo idil, waxaana dadka falanqeeya ay tilmaamayaan in ay hordhac u tahay doorashada Soomaaliya ee 2026.

Iyada oo dhinacyada siyaasadda dalka ee gudaha iyo dibeddaba  ay si weyn loolanka xilligan uga dhex muuqdaan, haddana natiijo kasta oo kasoo baxda coddeyntan waxay sawir guud ka bixin doontaa Soomaaliyada 2026-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM