​Doorasho adag oo kasocota magaalada Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Doorasho kamid ah midda Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Somalia, ayaa maanta kasocota magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaana ku tartamaya murashaxiin kasocota saddex Beelood oo kala ah; Biciidyahan, Muuse Saleebaan iyo Dhulbahante (Bah-hararsame).

Loollanka ugu adag ayaa dhexmari doonta murashaxiin gaaraysa 6 oo matalaya beesha reer Biciidyahan, waxaana goordhaw Ergadu guda gali doontaa codaynta murashaxiinta kala ah;

Siciid Cali Maxamed

Saleebaan Cabdulle Salaad

Ammaan Cali Baalle

Faysal Cabdulle Guuleed

Cabdixakiim Faarax Cali (Caruush)

Cabdi Barre Yusuf Jibriil.

Waxaa sidoo kale doorasho taas lamid ah kasocota isla Jaamacadda Bariga Africa qayteeda Garowe, waxaana ku tartamaya Afar Murashax oo kasocta beesha Muuse Saleebaan, kuwaasoo kala ah;

Liibaan Siciid Nuur

Axmed Bashiir Muuse

Cabdi Maxamud Maxamed

Maxamud Axmed Maxamud Kulalihi.

Dhinaca kale, waxaa jaamacadda PSU ee magaalada kasocota kursi kamid ah kuwa Beesha Dhulbahante gaar ahaan Bah-hararsame ka heshay Baarlamanka Federaalka Somalia, waxaana ku loollama Labo Murashax oo kaliya kuwaasoo kala ah;

Maxamed Faarax Indho Buur

Iyo Daa'uud Maxamed Cumar.

Doorashada Aqalka hoose ee kasocota Puntland, ayaa maalmihii u dambeeyay hakad ku jirtay, waxaana ilaa iminka la doortay 19 mudane oo kaliya iyadoo Puntland ahay maamulkii ugu horeeyay ee billaaba, waxaana mar Asbuucan dhexdiisa Guddiga doorashooyinku ka hadleen sababta dib u dhaca keenay, ku sheegeen arrimo la xiriira dhinaca dhaqaalaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM