Doorashooyin lagu muransan yahay oo ka bilaabatay Puntland

Image
Dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in miiska wadaxaajoodka looga heshiiyo murankan siyaasadeed.

GAROWE, Puntland - Gobalada Puntland qaybtood ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa si toos ah uga bilaabatay cod-bixinta doorashooyinka lagu muran-san yahay ee golayaasha degaanka.

Doorashooyinkan ayaa waxaa qaadacay ururada siyaasadda dhawr kamid ah waxayna ku tilmaameen "mid hal dhinac ah oo looga dan-leeyahay muddo kororsi''.

Xukuumadda Puntland ayaan ilaa haatan ka hadlin waxa ka danbeeya doorashooyinkaan iyada oo ay ka dhiman tahay muddada xilhaynta dastuuriga ah ee Saciid Cabdullaahi Deni dhawr bilood oo kaliya.

Shirwaynaha wadatashiga siyaasadda Puntland oo dhawaan magaala madaxda Garowe kusoo dhamaaday ayaa ku baaqay in la joojiyo doorashooyinkaan lagana heshiiyo.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in miiska wadaxaajoodka looga heshiiyo murankan siyaasadeed lagana fogaado gacan-ka-hadal.

Buundooyin dhawr ah oo ku yaalla degaanada Xaaji Kheyr iyo Dalsan ee gobalka Nugaal ayaa go'ay kadib markii ay ku rogmadeen daadad ka dhashay roobab ka da'ay Puntland.

Xukuumadda Deni ayaan wali ka hadlin iyada oo lagu eedeeyay in ay ku mashquulsan tahay hirgelinta doorashooyinka lagu muran-san yahay oo laga digay in ay horseedaan muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM