Doorka haweenka ee doorashada Soomaaliya oo laga shiray

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Madaxweynaha iyo Wafdiga ka socda DFS ayaa ka wada hadlay marxaladda doorashada gaar ahaan doorka haweenka, iyo Haweenku sidii ay kooto ku filan uga heli lahaayeen Kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Dowladda Puntland Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowladda Puntland Marwo Sahro-kiin Cabdi Xirsi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka ee DFS Mudane Deeq Suleymaan iyo AF-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM