Dowlada Puntland oo amar kusoo rogtay gaadiidka xamuulka

Image

Axad 19 Oct,2014 [ GO]- Wasaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland ayaa soo saartay amar gaadiidka xamuulka qaada looga mamnuucayo goomayaasha adag (Tebeeti) ee gaadiidka dhanka danbe looga dhajiyo kuwaasoo bur bur u keenaya wadooyinka.

Taliyaha ciidanka ilaaladda wadooyinka (Taraafiko) Puntland Col.Axmed Cabdi Cali oo warbaahinta la hadlay maanta oo Axad ah ayaa sheegay go'aan kama danbays ah inay gaareen kaasoo gaadiidlayda loogu sheegayo wixii ka danbeeya 26 October,2014 haddii aysan u hogaan samin amarkan tilaabo adag laga qaadi doono.

''Markii aan u guur galnay lixdii bilood ee lasoo dhaafay xaalada wadooyinka iyo markii aan iskaashi badan samaynay,markaan tixraacnay digreetadda kasoo baxday wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka, waxaan maanta digniin kama danbays ah u jeedinaynaa gaadiidlayda inay iska furaan bashan la yiraahdo tibeetiga oo dhibaatooyin xoogan ku haysa wadooyinka''.

Col.Axmed waxa u sheegay ciidamo xoogan inay dhigi doonaan baraha kaantaroolada si tilaabo looga qaadi gaadiidkii fulin waaya amarka dowladda kasoo baxay.

Docda kale Agaasimaha hay'adda wadooyinka Puntland ayaa ka war bixiyay dayactir lagu sameeyay 17km oo ka mid ah laamiga isku xira degmooyinka Xarfo iyo Burtinle wuxuna sheegay inay sii wadi doonaan howshaan.

Gaadiidka xamuula ah ayaa badanaa cabashooyin xoogan ka muujiya marista laamiga isku xira Garowe iyo Gaalkacyo oo bur bur xoogan ka muuqdo qaybo ka mid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM