Dowlada Puntland oo codsi muhiim ah u dirtey shacabka

Image
Image
Image
Dalabkan ayaa la xiriira bixinta canshuuraha "si loo dardargeliyo shaqadda dowladda".

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Xassan Shire Cabdi, ayaa kormeeray dhismaha cusub ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka.

Dhismahan, oo socday bilihii u dambeeyay ayaa meel wanaagsan maraya, waxana Wasiirka xog-dheeri ah ka siiyay madaxda shirkada wada dhismahan.

Xasan Shire oo ay wehliyeen mas'uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda ayaa wuxuu bogaadiyay shaqada socota waxana uu booqday qeybaha kore ee dhismaha.

Dhismahan, oo ka kooban sadex dabaq ayaa horay waxaa u dhagax-dhigay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wahelyo Wasiirka Maaliyada.

Wasiirka, ayaa Bulshada reer Puntland ugu baaqay in ay Cashuurta bixiyaan si dowladdu u gudato waajibaadkeeda shaqo. Kharashaadka dhismahan ku baxaya waxaa bixinaya Dowladda Puntland.

Lacagtan ayaa waxaa lagu sheegay cashuurtii laga qaaday shacabka oo dib loogu soo ceshay iyadoo lagu fulinayo mashaariic ballaaran oo ka qeyb qaadanaya horumarka ka socda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM