Puntland oo "kor u qaadeysa" dakhliga kirooyinka daaraha

Image
Image
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtey in talaabadan ay salka ku hayso "si loogu bixiyo adeegyada dawladnimada".

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Xasan Shire Cabdi, oo uu weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Cali Cumar Caarshe ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta Dakhliga iyo Xisaabaadka Gobolka Nugaal.

Waxaa qayb ka ahaa kulanka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyadda, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga iyo saraakiisha Dakhliga iyo Xisaabaadka ee Gobolka.

Kulanka ayaa lugu soo bandhigay warbixin la xiriirta dakhliga soo xarooday 8-dii bilood ee lasoo dhaafay, goobaha dakhliga uu kasoo xarooday iyo qorshaha Dakhliga ee heer gobol si loo ogaado in kutalagalkii dakhli loo gaaray sidii loo qorsheeyay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md Xassan Shire Cabdi ayaa si gaar ah u faray masuliyiinta dakhliga in dakhliyada ku baaqda notaayooyinka la dardargaliyo lana keeno qorshe gaar ah oo wax loo qabanayo maadama uu jiro caqabada u baahan in xal laga sameeyo,

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dakhliyada ku waajibay kirooyinka daaraha, cashuurta macaashal macaashka, cashuurta gaadiidka iyo shaqaalaha in kor loo qaado si loogu bixiyo adeegyada dawladnimada ee ina horyaal.

Ugu damabyn, Wasiir Xasan ayaa faray dhamaan masuuliyiinta kala duwan in shaqada Dakhliga iyadoo ay Wasaaradu u jeesan doonto dardar galinta dakhliga gudaha si loo gaaro yoolasha Wasaaradda Maaliyadda ee sanadka 2022.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM