Dowlada Puntland oo tababar u soo xirtey ciidamo horleh

Image
Image
Image
Image
Image
Muunasabada soo xirtaanka Tababarka waxaa ka soo qaybgalay Guddiga dib u habeynta Ciidamada.

GAROWE, Puntland - Dugsiga (GEN. CARAYS) waxaa Khamiista maanta ah Tabarbar loogu soo xiray Dufcadii labaad oo ka tirsan Ciidamada Daraawishta Dowladda Puntland.

Muunasabada soo xirtaanka Tababarka waxaa ka soo qaybgalay Guddiga dib u habeynta Ciidamada oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Taliye Xigeenka Labaad ee Ciidanka Daraawiishta, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidmadda,Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Senator Maxamed Cali Yusuf Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Kan Gobolka Mudug.

Sidoo kale Ciidamadan Tabarbarka loo soo xiray ayaa ah Dufcadii labaad ee ka baxada Dugsiga Gen. Carays ee Godod waxaana ay qaateen Tabarbaro isugu jira, khibrada Goobaha dagaalka, habka laysu Difaaco, Akhaalqda Ciidanimo, Caawinta bulshad Iyo casharo kale oo dhanka Ciidamada ah

Dhinaca kale, Guutadan Tababarka loo soo xiray ayaa loo Bixiyey Guutada 13-aad ee Dhifsade, waxaana ay goobta ku soo bandhigeen Cashaaradii ay qaateen oo ahaa kuwo aad loogu riyaaqay

Dowladda uu hoggaaminayo Madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa horumar ka samaysay dhismaha Ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland.

Ugu Dambayntii Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa bogaadiyey Ciidanka Tababarka loo soo xiray waxaana uu sheegay in ay xuquuqdooda ay u helayaan si joogta ah Dowladdana ay ka Go’antahay Tayeynta iyo dib u habaynta Ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM