Dowlada Puntland oo tababar u soo xirtey ciidamo horleh

Image
Image
Image
Image
Image
Muunasabada soo xirtaanka Tababarka waxaa ka soo qaybgalay Guddiga dib u habeynta Ciidamada.

GAROWE, Puntland - Dugsiga (GEN. CARAYS) waxaa Khamiista maanta ah Tabarbar loogu soo xiray Dufcadii labaad oo ka tirsan Ciidamada Daraawishta Dowladda Puntland.

Muunasabada soo xirtaanka Tababarka waxaa ka soo qaybgalay Guddiga dib u habeynta Ciidamada oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Taliye Xigeenka Labaad ee Ciidanka Daraawiishta, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidmadda,Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Senator Maxamed Cali Yusuf Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Kan Gobolka Mudug.

Sidoo kale Ciidamadan Tabarbarka loo soo xiray ayaa ah Dufcadii labaad ee ka baxada Dugsiga Gen. Carays ee Godod waxaana ay qaateen Tabarbaro isugu jira, khibrada Goobaha dagaalka, habka laysu Difaaco, Akhaalqda Ciidanimo, Caawinta bulshad Iyo casharo kale oo dhanka Ciidamada ah

Dhinaca kale, Guutadan Tababarka loo soo xiray ayaa loo Bixiyey Guutada 13-aad ee Dhifsade, waxaana ay goobta ku soo bandhigeen Cashaaradii ay qaateen oo ahaa kuwo aad loogu riyaaqay

Dowladda uu hoggaaminayo Madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa horumar ka samaysay dhismaha Ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland.

Ugu Dambayntii Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa bogaadiyey Ciidanka Tababarka loo soo xiray waxaana uu sheegay in ay xuquuqdooda ay u helayaan si joogta ah Dowladdana ay ka Go’antahay Tayeynta iyo dib u habaynta Ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM