Dowladda PL oo loogu baaqay wax ka qabashada abaaraha

Image

Talaado, September 23, 2014 [ GO]- Xildhibaan Maxamed Axmed Ibraahim oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay  in qaylo dhaan baahsan oo la xiriirta xaaladda abaartu kasoo yeerayso gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Xildhibaan Maxamed  ayaa waraysi uu siiyey Radio Garowe ku sheegay in gobaladaas ay ka jirto biyo la'aan daran taasoo ay suuro gal tahay in khasaare badan oo naf iyo maalba lihi uu ka dhasho hadii aan si dhaqso ah loogu gurman deegaanada abaartu saamaysay.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Gaas ayuu ugu baaqay inay tilaabo muuqato ka qaado xaaladaha cakiran ee gobalada qaarkood laga soo sheegayo isagoo intaas raaciyey in dadku aanay u baahnayn in gargaarka hay'adaha lala sugo.

''waxan xukumadda Gaas ugu baaqayaa in dadkaas loo gurmado oo aan hay'ado lala sugin inta deeqda rabi la helayo, dowladdu inay dadkeeda kaafiso weeye oo biyo lala gaaro, dowladdu dhaqaale waa haysaa waxaan ka rajaynayaa inay shacabkeeda gar gaar degdeg ah u fidiso'' xildhibaanka ayaa sidaa yiri.

Docda kale, dowladdii uu hormuudka ka ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole ayuu sheegay  inay kaalin muuqata ka qaadatay gurmadka abaarihii dhacay 2012, xilligaas oo xataa Ciidanka Badda Puntland PMPF ay gurmadka qayb libaax ka qaateen

Madaxwaynaha Puntland ayaa horay u iclaamiyey xaalad deg deg oo ku aadan abaarta ka jirta qaar kamid ah gobollada Puntland, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka, hay'adaha samafalka iyo dadka reer Puntland ee wax haystaa inay si wadajir ah uga qayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ku nool deegaanada ay abaartu ku habsatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM