Dowladda Hoose ee Garowe oo "dayacdey" jidadka caasimada

Image
Xilliyada roobka ayaa laga digaa cayayaano ka dhasha biyaha fariista meelaha godan ee magaalada.

GAROWE, Puntland - Wadooyinka waawayn ee magaalada Garowe ayaa lagu arkayaa biyaha roob dhawaan da'ay oo wali sii fadhiya iyada oo qaybtood laga yaabo in Urtoodu ay is badashay oo dadku dhibsadaan.

Dowladda hoose ee Garowe ayaa xilliyada qaybtood la arki jiray iyada oo colorine ku shubaysa biyaha wadooyinka ku haray balse waxaa muuqata in mudooyinkaan dambe ay degmadu ku mashquushay arimmo siyaasadeed oo aan kamid ahayn waajibaadkeeda shaqo.

Jidadka cusub ee dhawaan Garowe laga dhisay oo ka qayb qaatay bilicda Caasumada ayaa Injineeradda dhismaha qaybtood sheegayaan in hadii aan la is raacin kuwii hore iyo kuwo cusub ay keenayaan in xaafadaha qaarkood ay biyuhu ku xirmaan lagana yaabo in ay guryaha galaan.

Xilliyada roobka ayaa laga digaa cayayaano ka dhasha biyaha fariista meelaha godan ee magaalada kamid ah kuwaasi oo keena xanuuno faafa sida Duumada ama calool xanuunka.

Kaamamka barakacayaasha ee duleedyada magaalada ayaan helin wax kaalmo ah oo Dowlada Puntland ama Maamulka Caasimada ka timid maadaama la galay xilliga qaboobaha ayna barakacayaashu dagan yihiin guryo jiin-gado ka samaysan oo dayac badan ka muuqdo.

Caruurta barakacayaasha ayaa kamid kuwa uu sida joogtada ah usoo ritaan xanuunada dhasha wakhtiyada roobka iyaga oo ay waalidkooda culeys ku yahay kharashaadka dawayntooda maadaama inta badan Goobaha hooyada iyo Dhalaanka lagu tacaalo ''MCH'' ee ku yaala Kaamamka Barakacayaasha ay tayadoodu hoosayso.

Qaar kamid ah barakacayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta dowladda in ay lasoo gaaraan kaalmo kahor inta aysan xaaladdu kasii darin isla markaana ku dhex-faafin xanuunadda qaarkood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM