Dowladda Hoose ee Garowe oo la siiyey Madaxtooyadii Hore Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Warsidaha Garowe Online ayaa arkey qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland oo ku taariikeysan 27 November 2021. Qoraalkaan ayaa waxaa lagu xusey in Dowladda Hoose Garowe lagu wareejiyey dhismihii hore Madaxtooyadda Puntland.

Warqadaan ka soo baxdey Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu amray in Wasaaradaha degen Madaxtooyadii hore ee Puntland ka baxaan dhismahaas ugu dambeyn 5 December.

Dhismihii hore ee Madaxtooyada Puntland ayaa dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa uu u ahaan jirey xarunta gobolka Nugaal.

Wararka ku hareereysan in Dowladda hoose iibineyso dhismiheedii hore si lacagta ka soo baxda ugu maal-galiso dhismaha cusub ayaa baraha bulshada ka abuurey in dadka qaarkiis diidan kuwa kalena soo dhoweeyeen.

"Waxaa muhiim ah in dowladda hoose hesho dhisme cusub oo ay ugu adeegto bulshada  islamarkaana aan ka fogeyn magaalaada." sidaas waxa GO u sheegey qof kamid dadka dagan caasimadda Puntland oo diidey magaciisa.

Maxay yihiin shuruudaha ku xiran in dowladda Hoose ee Garowe.

Dowlada Puntland ayaa horey u iibisay dowladda Puntland dhismayaal wasaaradeed kuwaas oo loo rarey aaga Madaxtooyada oo xafiisyada dowladdu intooda badan ka dhisan yihiin.

Hadaba madaama lacagta lagu iibinayo dhismahii hore ee dowladda Hoose ka badan tahay 50,000 USD  waxay u baahan tahay in Barlamanka Puntland ansaxiyo waana qodob dastuuri ah.

Barlamanka Puntland ayaa horey u ansaxiyey in la iibiyo dhismihii hore ee Wasaaradda xanaanada Xoolaha oo ku yaaley ka soo horjeedka Bangiga dhexe, waxaana lacagtii lagu iibiyey lagu dhisey dhismo cusub oo ku yaal agagaarka madaxtooyada Puntland. 

"Waxaa muhiim ah in dhismahii hore ee dowladda hoose hadii la iibinayo shuruud lagaga dhigo dadka iibsanaya ka dhistaan mashruuc wax-tar u leh dadka dagan magaalada." sidaas waxaa GO u sheegey ganacsade diidey in magaciisa la xuso xaaladda jirta awgeed. 

Tan kale dad kala duwan oo waraidaha Garowe online la hadley waxay welwel ka qabaan in dhulka dhismaha Dowladda hoose laga iibiyo dad aan ka fogeyn dowladda ama madaxtooyada.

"Waa in shuruud adag ku xiraan guddiga bixinaya qandaraaska ineysan tartanka iibsiga dhulkaas aysan ka soo qayb galin dad ku dhow ama xiriir la leh dowladda ama madaxtooyada, hadii kale waxay noqoneysaa waxaa loo yaqaan conflict of Intrest." sidaas Garowe Online waxaa u shegeey qof aqoon u leh bixinta qandaraasyada. 

Warsidaha Garowe Online ayaa la socod siin doona shacabka Puntland gaar ahaan kuwa dagan magaalo madaxda wararka ku soo kordha iibinta dhismahaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM